Soomaaliya oo ah dowlada koow ee dhanka dhoofinta lagu tiryo ayaa ah dowlad hodanka ah dhan waxsoosaarka muuska marka laga hadlaayo dowlada koowaad ee dhanka waxsoosarka muuska waxaa laga helaa seddax nooc oo muuska ah waxayna kalayihiin sidan . 1)muuska sokorow . 2)muuska caadiga . 3)muuska bakeeni . soomaaliya waxay tabarucaad ugeysay muuska abaarka jirtay wadanka suudaan sanadii sideetimaadkii ayadoona wadanka suudaan ilaa hada ay dadkiisu ay xasuusanyihiin dadkii waqtigaas noolaa dad aan lakulmay ayaa waxay ii sheegeen in ay waqtigaas ay dowlada somaaliya ay muus ugu deeqday shacabka aan walaalahanahay ee suudaan . dowlada soomaaliya ayaa isla waqtigaas diyaarado kugeysay dhoortan oo muus ah wadanka yaman iyo wadamo kale ee kuyaalo qaarada afrika , Deegaanada Beeraha leh ee ku yaala Koofurta Somalia ayaa soo ceshtay dhaq-dhaqaaqoodii Beereed ka dib Toban Sano oo ay howl-gab ahaayeen. Waxaana Beeraleyda dalku ay bilaabeen inay dhoofiyaan wax-soo-saarka ay Somalia ku caanka ahayd oo uu ugu horeeyo Mooska ama muuska qofba sida uu uyaqaano waxyaabaha kale ee ay caankutahay soomaaliya waxaa kamid ah Cambaha iyo Liinta. beeraleyda Muuska waxay intoobadan dhacaan janbiyada webiyayada shabeelle iyo juba sidookale beerahaas markasta dadka kashaqeya muuska waa kuwo kabadan shaqalaha kale , taas oo ay ugu wacantahay inuu Muusku yahay Dalagga ugu badan ee laga dhoofiyo Somalia lana geeyo dalalka Caalamka. Waxaaa soo xiga Cambaha, Babaayga iyo Liinta Dhanaanka ah somaaliya ay u iibgeyso wadama kale ee aduunka sida imaaradka iyo wadamo kale . muuska waxaa uu leeyahay faa’iidin farabadan oo aan inta lagu sookoobin Karin waxaana kamid ah hadaan tusaale aan kasooqaadano . a)dhiiga ayuuna xoojiyaa wareegiisana sifiican ayuu uga qayb baqaaata muuska. b)waxaa uu ka hortagaa muuska cudurada sida curada kudhaca maqaarka . c)waxaana uu kahortagayaa waxyeelada malaariyada . Gobalada Koofureed ee Somalia waxay iminka bixinayaan muuqaal kale oo nolasha Somaliya quseeya. Muuqaalkaasina wuxuu si wayn uga duwanyahay burburka iyo dagaalada kadhacay wadanka soomaaliya Rajada laga qabo inay Beeraha Somalia dib usoo hagaagaan ayaa waxay ku dhalisay dadbadan markii ay kubaraarugeen in ay baahidan markasta soo noq noqotay loogu bixikaro oo kaliya in xooga lasaaro wasoosaarka beeraha in kastoo dadkaas tiardooda ay yertahay . Sanadadii lasoo dhaafay waxaa sii kordhaayey in ay dadka baranaayo cilmiga beeraha kuwaasoo waxkukalabarta gudaha wadanka iyo dibadiisa . Waxaan dadka soomaaliyeed aan kuladardaarmayaa in ay dalkooda dib ugu soolaabtaan ee kafaa’idaystaan kheyraadkooda allaah uu siyey ee markasta xooga ay saaraan dhanka waxsoosaarka beeraha.
Waxaa Diyaariyey : Aadam Abdi ishak.
Qalankii :(Gentleman)
Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka.
Email: Aadamyare11@hotmail.com